Abwaan Gorod Jare oo degmada Waaciye kaga qayb galay furitaanka dugsi farsamada gacanta ah

Waaciye, Karkaar(PF) Magaalada Waaciye oo ka tirsan gobolka Karkaar ee Dawladda Puntland waxaa safar shaqo u yimid si uu uga qayb galo furitaanka dugsi farsamada gacanta ah, Abwaanka wayn ee Reer Puntland Abwaan Gorod Jare, oo ka mid ah laf dhabarta dhallinyarta Puntland.

Puntland First (X)

Abwaan Gorod oo kaso kicitimay xarunta gobolka Karkaar ee Qardho ayaa u yimid degmada Waaciye si uu uga qayb galo furitaanka Dugsigan oo lagu baranayo farsamooyin kala duwan sida; Kaluumaysiga, Beeraha iyo Farsamooyinka gacanta sida Laxaamida ama Alxanka.

Abwaan Gorod Jare oo ka hadlayay xafladda furintaanka Dugsiga Tababarka Farsamada Gacanta ayaa yiri

Waxaan joognaa Dugsiga Farsamadda Gacanta ee Degmada Waaciye, Halkan laga dhisay dugsi aad u wayn oo ay ka shaqaynayaan dhalinyaro xirfadlay ah oo reer Puntland ah, oo reer Karkaar ah oo reer Waaciye ah oo Soomaaliya haday doonaan, Halkaa waxaa kasoo baxay, shaqo aad iyo aad u qurux badan, Ujeedadda halkaan u nimi ee ugu wayn waxay tahay, in dadka Lacagta haysta ee Qurbajoogta ah, Mashaariicdaan oo kale wadanka ka sameeyaan, Qorshuhu wuxuu yahay shanta sano ee socota, Ma ahan tashi dawladeed ee waa tashi dhallinyaro, ee Wax yaqaanku damacsan yihiin in Dadka reer Puntland lagusoo celiyo deegaanadooda, Waxqabadkooda iyo Awoodooda inay iskugu geeyaan deegamadooda, in badan baan ka shaqaynay Soomaalida, Doorkii Soomaalidu waa sidiisii, Laakiin!! waxaan rabnaa Puntland in iyada xoog la galiyo, Mudnaanta Puntland!! Mudnaanta Puntland!! Ayaa la rabaa ina ay Puntland Mudnaan hesho, Puntland inay Mudnaan Heshay waa Waaciye Mudnaan heshay, Waaciyoo Mudnaan heshay waa Karkaar oo mudnaan heshay, si aad iyo aad u qurux badan baa loo dhisay, Halkaan waxaa la doonayaa kumaanaan dhallinyaro oo kaluunka Daban karta oo hadii alle ku idmayo waxyaabo badan oo dibada inooga yimaada samayn kara, injineero noqon kara oo wax walbana samayn kara oo hal abuur soo kordhin kara, in badan baa nala ku dhaliilay waxbarashadiinu Tayo maleh, meesha tayada kasoo baxayso waa farsamadda dhallinyarada […]

Abwaan Gorod Jare ayaa hadalkiisa kusoo gabo-gabeeyay “Waxaanu leenahay Puntland First, Mudnaanta Puntland!! Mudnaanta Puntland baa leh.”

XiDDiG contributed reporting ###


Discover more from Puntland First

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Join the Conversation

1 Comment

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Puntland First

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading